4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 19, 2019
Wadahadallo ka soconaya magaalada Beledweyne

 

Arbaco, June, 19, 2019 (HOL)-Magaalada Beledweyne waxaa wali ka soconaya wadahadallo la doonayo in xal loogu helo xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Wasiirro, xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle, odayaal dhaqameed iyo waxgaradka magaalada ayaa saacadihii ugu danbeeyayba kulamo gooni gooni ah la lahaa dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo si ugu danbeyntii loogu qanciyo in uu xafiiska banneeyo Yuusuf Dabageed oo wali ku akeysanaya in uu yahay guddoomiyaha sharciga ee maamulka gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xal kama danbeys ah ka gaaray xiisadii ka dhalatay dilka taliyihii hore ee qeybta Booliiska gobolka Hiiraan Maxamed Macoow Xalane kaddib kulamo uu la qaatay waxgaradka iyo odayaasha beesha uu ka soo jeeday taliyaha la dilay.

Laakiin waxaa muuqata in wali xal kama danbeys ah laga gaarin khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay xil ka qaadistii uu madaxweynaha ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, balse kulamada hadda soconaya ayaa u muuqda kuwo intii hore leysaga soo dhawaanayo walow aan si rasmi ah loogu dhawaaqin guddoomiyuhu xilka wareejinayo iyo in kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]