4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 19, 2019
Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay xiliga doorashada maamul gobolleedka Galmudug

 

Arbaco, June, 19, 2019 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale War ka soo saartay waqtiga doorashada dowlad gobolleedka Galmudug iyo guud ahaanba muddo xileedka madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Warkan uu ka soo baxay ayaa sheegtay in loo baahan yahay hannaan doorasho oo hufan, kana turjumaya dimoqraadiyadda iyo tartanka furan.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in mudada xil heynta Dastuuriga ee Madaxda Maamulka Galmudug ay ku egtahay 4-ta July ee soo socoto, sidaas darteed ku baaqday shirweyne dib u heshiisiin oo lagu xalliyo arrimaha Galmudug, kaasoo ay isugu imaanayaan dhammaan waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka, laguna magacaabo Guddi farsamo oo qaban qaabiya shirweynahaas.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasaarradda :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]