4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2019
Guddiga ganacsiga ee Baarlamaanka iyo wasiirka ganacsiga oo kulmay


Talaado, June, 18, 2019 (HOL) – Guddiga ganacsiga, warshadaha iyo dhaqaalaha ee Golaha Shacabka ayaa maanta la kulmay xubno uu hogaaminaayay wasiirka wasaarada ganacsiga ee Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Cali Xasan.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddiga oo ku yaalla xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho ayaa waxaa shir guddoominaayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene.

Kulanka ayaa ahaa mid isbarasho guddiga iyo wasiirka, xog wareysi ku saabsanaa shaqada iyo su’aalo weydiin.

Guddiga ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo ku saabsanaa shaqada wasaarada, sharciyada ay isla diyaarinayaan labada dhinac, culeysyada jira, howlaha u qabsoomay wasaarada iyo kuwa ay hada ku howlan tahay.

Guddiga iyo wasaaradda ayaa ku balamay in la dardar geliyo sharciga jaan goynta tayadhowrka iyo xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

Wasiirka wasaarada ganacsiga ee Xukuumadda Soomaaliya mudane C/llaahi Cali Xasan ayaa u mahad celiyay guddiga oo uu ku amaanay sida ay diyaarka ugu yihiin wada shaqeynta wasaarada iyo dardar gelinta shaqooyinka ka dhaxeeya.

Guddoomiyaha guddiga ganacsiga, warshadaha iyo dhaqaalaha ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene ayaa sheegay in guddigooda iyo wasaarada sharciyo muhiim ah ay isla diyaarinayaan, laguna balamay in la dardar geliyo shaqada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected] .