Talaado, June, 18 2019 (HOL)- Ciidanka amniga Somaliland ayaa
saaka la wareegay xarumaha labadda Telefishan ee Eryal iyo Horyaal, kuwaas oo
lagala noqday rusqadii ay ku shaqaynayeen.
Illaa hadda lama sheegin sababta
shaqadoodii loo joojiyey, isla markaana xukuumaddu kama hadal shaqo joojintaasi
lagu sameeyey labada Telefishan.
Talaabadan waxa cambaareeyey
ururka saxaafada Somaliland ee SOLJA, Waxaanu tilmaamay mid sharci darro ah oo ay xukuumadda Somaliland ugu talogashay
si sharciga baalmarsan inay albaabada ugu laabto hay’addo warbaahineed iyo
suxufiyiinta ka hawl gashaba.
“Ururka SOLJA , waxa uu u arkaa
talaabooyinkan soo noq noqonaya ee sharci darrada ah kuwo ka hor imanaya
balanqaadkii iyo Codkii ay xukuumadda talada haysaa ku fadhido ee ahaa
sharcigaa saraynaya, iyadoo taas bedelkeeda u isticmaalaysa sharci jabin.
Ururka SOLJA, marar badan buu
xukuumadda kala taliyey inay nidaaka sharciga ah u marto cabasho kasta oo ay
warbaahinta ka qabto, hase yeeshee waxay u muuqataa inay ka door bidayso inay
dariiq qaldan mar walba u marto, iyadoo sumcad xumo usoo jiida qaranka.
Talaabadan ay xukuumadda
Somaliland ku xidhay labada Telefishan waxay noqonaysaa tii sadexaad ee ay
muddada ay xilka hayso ku xidho hay’ad warbaahineed, iyadoo noqonaysa dhacdadii
20 aad ee sanadkan gudihiisa ay ku beegsato wariyayaal isla markaana ku xidho
hay’addo warbaahineed.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay gudoomiyaha ururka
saxaafadda Somaliland Maxamuud Xuuto.
Waxaanu intaas ku daray “Warbaahinta
Somaliland waxay la daalaa dhacaysaa dhibaatooyin is biirsaday oo ay xukuumada
talada haysaa sanad iyo badhkii ay xilka haysay kula kacday kuwaas oo ay ka mid
yihiin inay ka hor istaagto inay si madax banana u doontaan wararka, sidoo
kale, waxay ku soo rogtay inay hawada ka saarto Astaamahooda iyo qalabka ay
isticmaalaan mararka ay ka qayb galaan shirara waaweyn ee muhiimka ah.
Uruka SOLJA, waxa uu aad uga
walaacsan yahay qorshaha ay ka damacsan tahay xukuumadda talada haysaa
warbaahinta, iyadoon marnaba xil iska saarin waxbanna aan ka fulin
balanqaadyaddii ay hore ugu samaysay.”
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.