4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Abwaan Sangub

 

Talaado, June, 18 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u tacsiyeeyay qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Addis Ababa.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) oo ku geeriyooday magaalada Addis Ababa.”

“Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise waxa uu ahaa abwaan  iyo jilaa Soomaaliyeed oo qayb libaax ka qaatay koboca fanka iyo  wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed. Abwaanku waxa uu sidoo kale noqday  askari ka tirsan ciidamada xoogga oo naftiisa u huray difaaca qarannimada  iyo jiritaanka Soomaaliya.

Abwaan Singub waxa lagu xasuustaa ruwaayadihii iyo heesihii waddaniga ahaa ee uu sameeyay kuwaas oo uu ku wacyigelin jiray shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka in uu  naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan qaranka  Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]