4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2019
Abwaan Sangub oo Subaxnimadii hore ee saakay ku geeriyooday magaalada Addis Ababa

 

Talaado, June, 18, 2019 (HOL)-Waxaa Allaha u naxarisitee Saakay ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya abwaankii Soomaaliyeed Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub, waayadii ugu danbeeyayba xanuunsanaa.

Abwaanka ayaa daryeel caafimaad u joogay dalka Itoobiya waxaana  geerida abwaanka u xaqiijiyay saxaafada qaar ka mid ah abwaanada  Soomaaliyeed.

Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub ayaa ka mid ahaa Abwaaniinta Hobolada Waaberi,waxaana uu sameeyay Riwaayado iyo Heeso badan oo hirgalay, waxaana uu ka mid ahaa Abwaaniinta ugu caansan dhulka Soomaalida.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub ayaa sanadkii 1944 waxaa uu  ku dhashay baadiyaha Magalaada Dhagax-buur ee Ismaamulka Soomaalida  Itoobiya,waxana fanka uu ku bilaabay yaraantiisa,isaga oo ka bilaabay  Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka iyo dhaantada,waxana sidoo kale uu ahaa  Gabyaa caan ah oo siweyn loo wada garanayo Gabayadiisa.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]