4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2019
Biyaha Badda oo ku soo Fatahay Caluula


Talaado, June, 18, 2019 (HOL) –  Wararka ka imanaya magaalo xeebeedda Caluula ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in biyihii badda ay ku fataheen magaaladaas.

Mas'uuliyiinta deegaanka ayaa xaqiijiyay biyaha inay qaadeen in  ka badan 100 guri iyo goobo ganacsi,iyadoo sidoo kale ay ka barakaceen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

"Cabashadan muddo ayay soo tagneyd illaa dowladdii hore Caluula dhibaato ayay mar walba kala kulanta fatahaada biyaha badda, maantana sidii oo kale ayaa dhacday." sida waxaa sheegtay haweeney ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale, dadka deegaanka waxaa ay ku baaqeen sida deg deg ah in xaaladoodda loo soo gaaro,iyadoo aysan hoy heli karin qaar ka mid ah qoysaska deegaanka oo guryihii ay degganaayaan daadadka ka dhashay fatahaada ay sameysay badda ay qaadeen. Dadka ayaa si gaar ah ula hadlayay xukuumadda Puntland oo ay marka ka dalbanayeen inay mas'uuliyiinta soo gaaraan Caluula si ay xaaladda halkaa ka jirta ay u arkaan.

"Nolasheenna badda ayay ku tirsan tahay marxaladdan oo kale marka ay dhacdo deegaanka oo dhan ayay saameyn ku yeelata." ayuu yiri qof u hadlayay maamulka magaalada Caluula.

Muuqaallo laga soo bandhigay ayaa muujinayay saameynta fatahaada badda ay garsiisay deegaanka,iyadoo la arkayay dhismayaal bur buray iyo kuwo qarka u saaran inay dumaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]