4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2019
Xoghayaha guud ee xiriirka ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed Cumar Faaruuq oo khudbad ka jeediyay shirweynaha shaqaalaha adduunka

Talaado, June, 18, 2019 (HOL) – Xoghayaha guud ee xiriirka ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed , Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa Isniintii ay taariikhdu ahayd 17 Juun khudbad ka jeediyey fadhiga guud ee shirweyaha shaqaalaha adduunka ee ka socda xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva.

Khudbadda  Cumar Faaruuq oo ku soo beegantay xilli Soomaaliya laga qaaday xayiraaddii codaynta ee ka saarnayd hay’adda ILO muddadii 33ka sano ahayd ee la soo dhaafay ayuu si faahfaahsan kaga hadlay xaaladda shaqada iyo shaqaale weynaha Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in si gaar uu xiriirka ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed diiradda u saarayo arrimaha dumarka iyo dhibaatooyinka la xiriira xadgudubyada shaqaalaha loogu gaysto goobaha shaqada.

“Waa arrintaas awgeed midda aannu galaalgal weyn ugu samaynayno inta uu shirweyahan socdo si loo helo nidaam caalami ah oo la xiriira xagga shaqada, kaasoo la isla wada ogol yahay”.

“Taasi waxay aasaaska u dhigaysaa nidaam sharci oo lagu dhaqmo, kaasoo lagula diriro xadgudubyada iyo bahdilka shaqaalaha loogu gaysto goobaha shaqada.” ayuu yiri  Faaruuq.

Wuxuu intaa ku daray in talaabadaas ay muhiimad gaar ah u leedahay Soomaaliya, dal ahaan iyo xiriir ururka-shaqaale ahaan, maadaama dalku uu soo maray dhibaatooyin badan.

“Sannad walba boqolaal shaqaale Soomaaliyeed ah, gaar ahaan dumar ayaa u dhinta sababo la xiriira xadgudubyo ka dhaca goobaha shaqada, sidaa darteed, xadgudugyadaas in la ogolaado inay dhacaan ayadoo aan xal loo helin ma keenayaan oo kaliya inay qiime weyn noogu kacaan ee waa mid aan la aqbali karin ." ayuu ku sii daray.

Wuxuu kaloo Cumar Faaruuq khudbadiisa ku soo qaaday dhibaatooyinka dunida haysta maanta sida sinaan la’aanta, shaqo yarida, cadaalad darrada ijtimaaciga ah, isbeddelka cimilada, rabshadaha sii kordhaya iyo dambiyada aan lagu qaadin dadka gaysta oo sii badanaya.

Wuxuu kaloo sheegay in dhanka kale ay xoogsatada badankood la soo derseen dhibaatooyin ay ka mid yihiin lacagaha ay qaataan oo aad u yar, iyo xaaladaha shaqada iyo kuwa shaqada oo aad u liita, halka wax soo saarkana uu kobcayo.

“Qaybta libaax ee ka dhalatay koboca dhaqaale waxaa ka faa’iida tiro aad u yar, halka aqlabiyadda – muruq-maalka dunida – ay hoos u sii galayaan saboolnimo, nolol liidata, iyo cabsi laga qabo in si xun loo isticmaalo khayraadka dunida.” ayuu yiri.

Dhinaca Soomaaliya ayuu Cumar-Faaruuq sheegay in horumar laga sameeyey sidii wadahadal seddex geesood ah loo yeelan lahaa (Dawladda, shaqaalaha, iyo loo shaqeeyaha), wuxuuna intaa ku daray in la diyaariyey sharciga shaqada oo qabyo-qoraal ah, kaasoo la jaan qaadaya nidaamka shaqada ee caalamiga ah, isla markaana damaand qaadaya xuquuqda iyo danaha shaqaalaha Soomaaliyeed.

Wuxuu ka codsaday hay’adda ILO inay Soomaaliya gacan ka siiso sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada. “dhallinyarada iyo dumarka oo la xoojiyo waxay udub dhexaad u noqonaysaa isbeddel ijtimaaci ah oo ka dalka ka hana qaada” ayuu yiri.

Shirweynaha ayaa isku raacay in Soomaaliya loo ogolaado inay soo ceshato xuquuqdii ay u lahayd inay codayso, taasoo lagala laabtay soddonkii sano ee u dambeeyey.  Xoghayaha xiriirka guud ee ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed  Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa talaabadaas soo dhoweeyey, taasoo sidoo kalena ay u codeeyeen 291 xubnood.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]