4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2019
Xasuusta 10sano kaddib Qaraxii lagu hoobtay ee magaalada Beleweyne

 

Talaado, June, 18, 2019 (HOL) – Waa Maalin ay wali sii xasuustaan shacabka ku dhaqan guud ahaanba  gobolka Hiiraan 10sano kaddib qaraxii lagu hoobtay ee 18, June, 2009 maalin Khamiis ah goor Barkho lagu bartilmaameedsaday Ilinka hore ee Hotelka Madiina ee magaalada Beledweyne.

Qaraxa oo malaha waqtigaa ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca Soomaaliya marka loo eego xiliggiisa ayaa waxaa ku dhintay mas’uuliyiin, saraakiil ciidan, Nabadoonno, iyo dad bulshada dhaxdeeda magac iyo maamuus ka mid ahaa.

Dadka maalintaa Qaraxa ku geeriyooday ayaa waxaa laga xusi karaa magacyadooda

  . Omar Hashi Aden – The National Security Minister

·      Abdikarim Farah Laqanyo – Somali Ambassador to Ethiopia

·      Colonel Mohamed Abdi Yarow (Shanle)

·      Colonel Mohamed Barre Fidow

·      Colonel Omar Hasan Dhudi

·      Colonel Yusuf Husen (Timacadde)

·      Farah Abdulle Fidow – Clan Elder

·      Hasan Biriqow – Clan Elder

·      Hasan Ilmi Hurre (Dirir) – Clan Elder

·      Ilmi Shire – Clan Elder

·      Mohamed Abdi Ibar – Poet

·      Abdi-dhuh Gure Ali – Poet

·      Abdikadir Hashi Aden – Businessman

·               Abdifitah Ali Haydar – Engineer

Laakiin haddana tirada dhimashadu ma’aheyn intaa oo kaliya ee dadka maalintaa ku dhintay weerarkaa Ismiidaaminta ahaa oo ay sheegteen Ururka Al-shabaab waxaa lagu qiyaasaa in aysanka yareyn 70 ruux marka lagu darro tirada ciidamadii goobta ku sugnaa ee qeybta ka noqday dhimanayaasha Qaraxa.

 

Gaari yar oo nooca raaxada kana soo dhaqaaqay meel dhowr tallaabo uun u jirta hotelka kuna socda howli dheereeya ayeey dadku idhaha ka qaadeen isaga uu sii tallaabaya dhinaca Hotelka Ilinkiisa hore ay ku sugnaayeen dad aan ka yareyn 40 ruux oo ay ka mid ahaayeen Colone Cumar Xaanshi Aadan iyo Danjire Cabdikariin Faarax Laqanyo.

Warka ku saabsan Qaraxa oo ahaa mid gilgilay guud ahaanba Soomaaliya ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madaxweynihii xiligaa Shariif Sheekh Axmed oo BBC u sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid saameyn weyn ku yeeshay dowladdiisa, gaar ahaan waxaa uu wax laga naxo ku tilmaamay geerida ku timid Wasiirkiisii Amniga Cumar Xaanshi Aadan oo dhinaca kale ay ahaayeen saaxiib isku dhaw.

10 sano ayaa hadda laga joogaa qaraxaa, Hotelka Madiina wali waa uu shaqeynayaa waxaana lagu sameeyay dib u dhis ballaaran, inkastoo dadku wali ku xasuustaan qaraxii ka dhacay maanta oo kale 18kii June 2009kii.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]