Talaado, June, 18, 2019 (HOL) –Dowladda
Kenya ayaa ugu danbeyntii ku dhawaaqday kaddib baaritaan deg deg ah oo ay
sameeyeen laamaha caafimaadka dalkaasi lagu ogaaday cudurka Ebola uusan ka
jirin Kenya.
Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya Sicily Kariuki
ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in haweeneyda la tuhmay aysan qabin cudurka
Ebola iyo weliba cudurada kale ee dhiig baxa keena.
Haweeney 36 jir ah oo la dhigey isbitaal ku yaal
magaalada Kericho ayaa lagu tuhmay inay qabto cudurka Ebolaha iyadoo ka soo
laabatay safar ay ku tagtay dalka Uganda
“Wasaarada Caafimaadka waxa ay u xaqiijineysaa
shacabka in aan diyaar u nahay sidii loogaga hortagi lahaa cudurka Ebola iyo
tallaabooyin loogaga jawaabayo sidaa darted ma jiro wax cabsi ah,”ayaa lagu
sheegay qoraalka ka soo baxay wasaarada caafimaadka dalka Kenya.
Dadka ku nool Kericho ayaa waxaa soo wajahay
qalqal dhinaca caafimaadka ah iyadoo dadka ku nool deegaankaas ay wadnaha farta
ku hayeen iyagoo ka baqayay in cudurka uu ku faafo magaaladaas.
Guud ahaan marka la eego cudurka Ebola ayaa hadda
u muuqda mid wadnaha farta looga hayo dalal badan oo ka mid ah qaarradda
Africa,
Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha durbaba laga
sii dardaaran –warinayo khatarta uu cudurka leeyahay, iyadoo Wasaarradda Caafimaadku
heegan buuxa galisay hay’adda dhamaanba ku shaqada leh arintan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]