4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2019
Madaxweynaha Jubbalaand oo ka hadlay dil magaalada Kismaayo loogu geystay mid ka mid ah waxgaradka gobolka

 

Talaado, June, 18, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ku amray hay’adda Amaanka in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo cida ka danbeysay dilka nabadoon Cabduqaadir Ibraahim Xassan oo meydkiisa laga soo helay xeebta Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dilkaasi ka danbeeyeen Al-shabaab, hasse ahaateen nabadoonka la dilay ayaa ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Jubbbooyinka ee sida weyn uga soo horjeeday habka maamulka Jubbaland uu doonayo in uu ku soo xulo xildhibaannada cusub ee la filayo in ay soo doortaan madaxweynaha xiga ee maamul gobolleedka Jubbaland.

Ilo xog ogaal ayaa sheegaya in nabadoonka ay toogteen rag hubeysan habeennimadii xalay kuwaa oo la sheegay markii danbe in ay goobta ka baxsadeen.

Madaxweynahu wuxuu Alle uga baryay nabadoonka in Janadii fardowso uu ka waraabiyo isagoo dhinaca kalana Hay’adaha amaanka faray in baaritaan deg deg ah ay sameeyaan gacantana ay kusoo dhigaan kuwii ka danbeeyay falka lagu dilay Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]