4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2019
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo daah-furay Shirka Meel Marinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Xannaanada Xoolaha

Isniin, June, 17, 2019 (HOL)-  Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,  Xasan Cali Khayre ayaa maanta daah-furay shir looga hadlayo meel marinta Istaraatiijiyadda horumarinta xannaanada xoolaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo howl wadeennada wasaaradda xannaanada xoolaha uga mahad-celiyay dadaalka ay geliyeen sameynta istaraatiijiyadda ayaa sheegay in horumarinta iyo xanaanaynta xoolaha ay qayb muhiim ah ka yihiin hagaajinta dhaqaalaha dalka iyo yaraynta saboolnimada.

Istaraatiijiyadda xanaanada xoolaha dalka oo ay diyaarisay wasaaradda xannaanada xoolaha oo la tashiyada la sameysay wasaaraha dowlad gobaleedyada ee xannaanada xoolaha ayaa waxa ay saldhig u noqoneysaa hannaanka horumarinta xoolaha dalka oo qayb ka ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.

Shirka lagu meel marinayo istaraatiijiyadda xanaanada xoolaha dalka oo soconaya mudda sedax maalin ah ayaa waxaa kasoo qayb galaya wasiirrada xanaanada xoolaha ee dowlad gobaleedyada, maamulka gobalka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]