4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2019
Degmada Buula-burde oo markii ugu horreysay dad laga daweynayo cudurka Dhimirka

Isniin, June, 17, 2019 (HOL)-  Degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan ayaa markii u horreysay laga fuliyay daweyn cudurka dhimirka ah,iyadoo deegaanka muddooyinkii u dambeeyay ay aad uga cabanayeen tirada dadka dhimarka ka jiran ee kordhay oo aan daweyn helin.

Cabashada degmada iyo deegaannada ku dhow ayaa dhalisay inuu gaaro degmada Buula-burde Dr Axmed Maxamed Shire , isagoo halkaa ku qaabilay dadka ka jiran dhimirka.

Daweynta  dadka qaba cudurka dhimirka ee lagu qaabilay degmada Buula-burde  ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahayd Dr Faadumo Sheekh Cali Jimcaale oo ah dhakhtarad ku taqaqustay cudurrada ku dhaca dhimirka oo ay muddo dheer uga shaqeynaysay dalka Denmark.

Dr Faadumo Sheekh Cali, ayaa khadka Skype ku daweysay bukaannadii u horreeyay ee gudaha degmada Buula-burde ee qaba cudurka dhimirka, waxaa ay halkaa ku waydiisay su'aallo , iyadoo sidoo kale dawooyin u qoreysay bukaannada.

Dadweynaha degmada Buula-burde ayaa aad usoo dhaweeyay in gudaha degmada ay ku helayaan daweyn la xiriirta cudurka dhimirka, balse waxaa ay ballanqaad la xiriirta in deegaanka laga fulin doono wixii hadda ka dambeeya daweynta ay u baahanyihiin ay ka heleen Dr Faadumo Sheekh Cali oo bukaannada kula hadli doonta khadka Skype.

Gobolka Hiiraan ayaa kaliya hal isbitaal oo ku yaalla degmada Baladweyne waxaa lagu daweeya xannuunada dhimirka,iyadoo isbitaalka ay hirgeliyeen gacantana ku hayaan qurbajoogta gobolka Hiiraan oo ay ka mid tahay Dr Faadumo Sheekh Cali Jimcaale.

Soomaaliya marka laga hadlayo dadka dhimirka ka jiran, waxaa lagu tilmaama bukaannada kaliya ee aan inta badan helin daweynta ay u baahanyihiin, taasina waxaa u sabab ah iyada oo aysan jirin isbitaallo ku filan bukaannada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]