9/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 17, 2019
Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi oo geeriyooday

Isniin, June, 17, 2019 (HOL)-  Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Mursi  ayaa geeriyooday, sida ay ku warrantay warbaahinta Masar.

Geerida hoggaamiyihii hore ayaa timid kaddib markii uu ka soo muuqday maxkamad, iyadoo Mursi uu ahaa madaxweynihii u horreeyay ee si dimoqraadi loo soo doortay, kaddib kacdoonkii 2011kii xukunka looga tuuray Xusni Mubaarak oo soddon sanno dalka ka talinayay.

Mursi ayaa hal sanno joogay kursiga looga taliyo Masar, iyadoo muddo saddex sanno ay u dhimantahay milatariga ayaa afgambiyay sannadkii 2013kii ,marka oo xabsiga loo taxaabay isaga iyo xubnihii ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]