4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2019
Maktabad caruurta iyo Iskuullo ay qoys qurba joog ahi ka fulinayaan gobolada Sool iyo Sanaag


Isniin, June, 17, 2019 (HOL) -Qoyskan oo mudo 35 ka badan deganaa wadanka Kanada ayaa dhowaan baabiiyey guri ay  ku lahaayeen badhtamaha magaalada Laascaanood si looga dhigo magtabad ay wax ku bartaan carruurta da'doodu ka yar tahay 10 sano.

Duqa magaalada, Xoghayaha Dawlada Hoose iyo Axmed Siciid Naaleye iyo xubno qoyskiisa ka mid ah ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay xarunta haatan ay ka dhisayaan magaalada Laascaanood.
 
Duqa degmada Laas-caanood oo dhagaxdhiga maktabadan ka hadlaya ayaa waxa uu sheegay in talaabada ay qaadeen qoyskani uu yahay mu ku dayasho mudan, waxaanu ugu baaqay kuwa dhigooda ah in ay ku daydaan oo dadkooda wax u qabtaan.
 
Give to learn to Grow foundation waa hay'ad samafal oo qoyskani sida la sheegay aasaaseen iyagoo hore dhawr jeer deeqo waxbarasho meelo kala duwan soo gaadhsiiyey Gobolada Sool iyo Sanaag, waxana ay haatan sheegeen in ay maalgelinta waxbarashada dugsiga hoose dhexe ee Abyan oo ah dugsigii ugu horeeyey ee magaalada Laascaanood laga dhiso afartamaadkii.
 
Sidoo kale waxa ay la wareegeen dugsiga Hoose dhexe ee Gol-barwaaqo oo gobolka Sanaag ku yaala degaanka Fiqifuliye, waxaana dhigta sida la sheegay tiro ka badan 250 arday.

Dhinaca kale waxaa isla maanta qoyskan qado sharaf u sameeyey Khadar Cali Jaamac oo ah maamaulaha shirkadaha Dahabshiil iyo Somtel taas oo uu uga mahad celiyey qoys ahaan talaabada muuqata ee ay qaadeen iyo sida aanay ugu kala baydhin yar iyo weyn kor u qaadka aqoonta dadkooda.

Qoyskan ayaa hadal  hayntoodu aad ugu badnayd baraha bulshada iyadoo ay dadku si aad ah u  hadal hayaan qoyka sida isku duubnida ah wax midhadhal ah u wada baadi  goobaya, in ku dayasho ay mudan yihiina hadaladooda kama madhnayn.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool