4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2019
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Turkiga uga qayb-galay xuska Maalinta Caalamiga ah ee la dagaallanka Saxaroobidda Deegaanka


Isniin, June, 17, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga uga qayb galay sannad guurada 25-aad ee xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka Saxaroobidda dhulka (June 17).

Dowladda Turkiga ayaa marti gelisay xuska, waxaana Munaasabadda furay wasiirka beeraha ee dalka Turkiga oo ay sheegay in ay muhiim tahay ka qayb qaadashada dib-u-dhiraynta deegaanka si looga baaqsado dhibaatada ka dhalata nabaad guurka deeganka.
 
Munaasabadda oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin badan oo ka kala socota daafaha caalamka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ibrahim Thiaw of Mauritania, oo ah xoghayaha fulinta cahdiga qaramada Midoobay ee la dagaallanka saxaroobidda deegaanka (UNCCD).
 
Cahdiga Qaramada Midoobay ee  la dagaallanka saxaroobidda dhulka oo la sameeyay 1994-kii ayaa dhammaan dhinacyada waajib uga dhigaya in ay u hoggaansamaan heshiisyada la xariira deegaanka, iyo hurumarinta xasilinta maamulka dhulka.
 
Maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka Saxaroobidda dhulka iyo abaaraha ayaa waxaa la isku xasuusiyaa dhibaatooyinka ka dhasha saxaroobidda, waxyaabaha keena in dhulku uu saxaro noqodo iyo qorshayaasha looga hor-tegayo.
 
Halku-dhigga sannadkaan ee xuska munaasabadda 17-ka June ayaa laga dhigay “aan Aan mustaqbalka u horumarinno si wadajir ah”
 
Khudbad uu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya uu ka jeediyay munaasabadda xuska ayuu ku sheegay dhibaatada ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ku qabaaan deegaannada saxarroobaya iyo qorshaha dowladda ee looga hor tegayo saamaynta isbedelka cimillada, abaaraha iyo dhammaan waxyaabaha sababa in dhulku uu saxaroobo oo wax soo saarku uu hoos u dhoco.
 
Saxaroobidda deegaanka, xaalufinta iyo abaarha ayaa qayb ka qaata kasii daridda dhibaatooyinka dhaqaalaha, bulshada iyo deegaanka ee ay kamidka yihiin faqriga, barakaca bulshada, caafimaad darrada, yaraanta amniga cunnada, yaraanta biyaha iyo u nuglaanta saamaynta isbedelka cimmilada adduunka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]