4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2019
Shirka Qurba-Joogta ee Istanbul iyo Fariinta Ergada SWITZERLAND


Isniin, June, 17, 2019 (HOL)- Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa ku shirsan ergo kala socta dalka gudihiisa iyo dibadiisa kuwaa oo halkaa u tagay ka qeybgalka shirka Qurba-Joogta Soomaaliyeed

Iyadoo ay shirka ku sugan yihiin ergooyin kala duwan oo isaga kala yimid dunida daafaheeda, ayaa fariintooda shirka waxaa markii ugu horeysay soo bandhigay eraga Soomaalida ee ka timid dalka SWITZERLAND, kuwaa oo qeexay ahmiyada uu dalka Soomaaliya u leeyahay aduunka iyo intiisa kala iyo waliba sida loogu baahan yahay in Soomaalidu dhaxdeeda ka heshiiso wixii khilaafaad ah ee jira.

Fariinta oo Warbaahinta lala wadaagay ayaa u dhigneyd siddan :

Walaalaheeyga qiimaha lahoow, waxaan matelnaa oo aan ka kala nimid daafaha kala ee Waddankeenna aan jecel nahay ee Soomaaliya.

Sida aad la socotaan wufuuddaha Qurba joogta ah ee shirkan ka qeyb galeeysa waxaa ay ka kala  yimaadeen Dunida oo dhan, waxaanna idiin kaga  mahadcelinayaa howsha culus ee aad  ka marteen  sidii uu u qabsoomi lahaa shirkani.

Sida aan wada og nahay Soomaaliya ma ahan Jasiirad ee waa waddan leh  dhaqan soo jireen ah oo qarniyo la soo kala dhaxlayey, dalkeennu waa  meel muhiim u ah dhaqaalaha Dunida. 

Saddex meelood laba meel xamuulka Dunida isaga kala gooshaa wuxuu ka gudbaa Xeebaha Soomaaliya.

Soomaaliya waa meel ay dhex- ceegaagaan Macaadin iyo Tamar, lagana heli karo Kheyraad aad u fara  badan. 

Sababta Quwadaha waaweyn iyo Waddammada horumarey ay  u daneeynayaan ayaa ah mid si cad u muuqata.

Waxaana ay Waddammadaasi si aan gabasho laheyn ugu dadaalaan in ay kala qeybiyaan Waddankeenna si ay danahooda uga fushadaan.

Doowladda derisku waxaa ay ka leeyihiin dalkeenna danahooda gaarka ah, haddaba haddii aannaan Soomaaliyeey midoobin  Aawooddeennu waa ay  yaraaneeysaa waana u sahlanaaneeysaa in sidi la doono na loo maamusho.

Dhibaatada Bulshadeenna uu u geystey is barbar yaacu waa ay taabtey Aabeyaal, Hooyooyin, Carruur iyo Cirroole. Waxaana u marqaati ah sida aan ugu dac darreeysan nahay xeryaha Qaxootinnimo ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Dalkeenna iyo dadkeenna Soomaaliyeed waxaa ay leeyihiin weli oo aad arkeysaa dhaqan fiican, is dhexgal, wada deggenaasho iyo wax wada qeeybsi.

Dhulkeenna Baaxadda weyn ee Geeska Afrika waxaa looga hadlaa Hal af oo ah Soomaali waxaanna leennahay hal dhaqan.

Dadkeenna qurbaha ka yimid waxaa ay waayo aragnimo u leeyihiin Waddamada aan ka nimid ee Dimoqraadiga ahi waxaa ay lee yihiin afaf iyo dhaqammo kala geddisan. Saas oo ay tahay waxaa ay gaareen horumar la taaban karo.

Waddammada Horumarey Dowladda ayaa ka haqabtirta wax kasta oo Bulshadu u baahan tahay. Innaguse weli maba aannaan tijaabin. Ururadda Bulshadu waxaa ay codsanayaan iyadoo aan la fiirin kala duwanaantu nooc kastoo ay tahay Midab, Af, Dhaqan iyo Diin, in si wadajir ah meel aan uga soo wada jeesanno sidii aan u caawin laheyn walaalaheen Soomaaliya.
Waxaanna idiin rajeyneeynaa inaad mid noqotaan Bulshooyinka Caalamka.

Waxaan aad ugu dadaaleeynaa sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo Awood leh oo isku duuban. Xiriir fiicanna waxaan la leennahayW
Waddanka aan ku nool nahay. Waxaanna uga Faa'iideyn doonnaa fursaddaas in aan Soomaaliya wax tarno si tartiib ah.

Waxaan dalbaneeynaa in wax Alla iyo wixi dhib, is faham la'aan iyo dhaawac nafsadeed ah ee horey aan isugu geysanney aan meel iska dhigno oo aan u gudubno sidii aan u walaaloobi laheyn oo aan meel uga soo wada jeesan laheyn Horumarinta Soomaaliya.

Waxaan dalbaneeynaa aad is xaq dhowrtaan oo aad is tixgelisaan waxna aad isu oggolaataan dhexdiiinna Is maamul u sharciga loo Hoggaansanmo

In aad is  Maqashaan, is dhegeysataan, si taxadar lehna uga fekertaan,  Hooyooyinkeen, Aabayaasheen, walaalaheen iyo carruurteenna balse aan la  eegin uun Kaamirada idin heysa.

In aan kaashataan Qaramada Midoobey Hay'adda UNRWA, taasoo ay Waddanka dhan Waxbarasho idiin helayaan carruurtiinnu si aaney fursad ugu helin qolyaha Dhibaatada wada.

Soomaaliya waxay aheyd Waddankii ugu horreeyey ee diidey oo ka hor yimid Gumeeystaha kana dhiidhiyey in la dulleysto haddaba sidee ayaa aan u noqonney kuwo lagu daneeysto oo wax ka fiiriya uun meel gaaban ?

Dhamaanteen waxaan nahay na saaran Mas'uuliyad, waana in aan wada raadinno Nabadgelyo iyo x Xorriyad sidii Soomaalidu u wada heli laheyd.

Waxaan raadineynaa waa in ay NABAD wada noqoto Soomaaliya, waxaana lagama maarmaan ah in aan ka wada shaqeeyno in Soomaaliya ay  hesho xasillooni waarta taas oo dan u ah guud ahaan Gobolka Bariga  Afrika, gacanta Cadmeed iyo Badweeynta Hindiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]