4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 17, 2019
30 qof oo ku dhimatay weerar ka dhacay Nigeria

Isniin, June, 17, 2019 (HOL) –Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay waqooyi bari dalka Nigeria , xilli dadweyne badan ay ku mashqulsanaayeen daawashada ciyaar kubadda cagta ah.

Weerarka oo saddex qeyb ka koobnaa ayaa waxaa kalo ku dhaawacmay ku dhowaad 40 ruux , sida laga soo xigtay hay’adda maareynta xaaladaha deg degga ah ee dalka Nigeria.

Dad waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa lagu warramaya inay dhex istaageen xarun ballaaran oo ciyaarta lagu daawanayay oo ku taalla xaafadda Konduga ee gobolka Borno.

Weerarka ayaa loo badinaya inay soo maleegtay kooxda Boko Haram, balse wali lama xaqiijin mana jirto wali cid sheegatay mas’uuliyada weerarka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]