4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2019
Al-shabaab miino kula qaraxday deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Isniin, June, 17, 2019 (HOL)-Wararka laga hellayo deegaanka Bariirre ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in labo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku dhinteen kadib markii ay ku qaraxday miino ay dhigayeen.

Goobjoogaal ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkayeen laba nin oo meyd ah oo taal wadada ay maraan gaadiidka ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Qaraxa miinadan ayaa yimid kadib markii uu maanta dagaal ku dhex  maray deegaan ku dhow Bariirre ciidamada dowlada iyo dagaalamayaal  Alshabaab ka tirsan.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa ay hore ugu aaseen wadooyinka muhiimka ah ee gobolka Sh/hoose iyadoo ciidamada dowlada ay howlgalo ka sameeyeen deegaanadaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]