4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2019
Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay

Isniin, June, 17, 2019 (HOL) – Dagaallame ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay maamulka  degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Sarkaalka ayaa magaciisa lagu sheegay , Ibraahim Manuur Cusmaan -wuxuuna muddo sagaal sanno ah ka tirsanaa ururka al-Shabaab, isagoo hoggaaminayay dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Baay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dowladda ee SONNA.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed,Shiine Mayow Aadan iyo guddoomiyaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Shig-shigow ayaa si wadajir ah u sheegay in xiriir uu la soo sameeyay dagaalyahankan,islamarkaana ay soo dhoweeyeen.

Toddobaadyadii u dambeeyay dowladda ayaa soo bandhigtay xubno ka tirsan ururka al-Shabaab, iyadoo dhowr mar dowladda ugu baaqday xubnaha ka bar bar dagaallamaya al-Shabaab inay dowladda isku soo dhiibaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]