4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2019
Wasiir Sadiiq Warfaa oo magaalada Zurich uga qeybgalay habeenka Hal-abuurka iyo Qoraaga


Isniin, June, 17, 2019 (HOL) – Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan dalka Switzerland ayaa magaalada Zurich uga qeybgalay bandhig loogu magac daray “Habeenka Hal-abuurka iyo Qoraaga”.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay buuggaagta kala ah “Godob iyo Galad, Bidhaamiye iyo Gaso, Garuun iyo Gasiin”, waxaana ka soo qeyb-galay madax ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland, qorayaal, fannaaniin, aqoonyahanno iyo marti sharaf ka timid magaalooyin ka mid ah waddanka Jarmalka.

Wasiirka Sadiiq Warfaa,  oo hadal ka jeediyay xafladda  ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay reer Switzerland u qiimeynayaan qorayaasha Soomaaliyeed, waxaana uu ku guubaabiyay dadka halkaasi ku nool inay carruurtooda barraan afka Soomaaliga, isaga oo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan Midnimadooda.

Waxaa kalo uu warbixin ka siiyay jaaliyadda Switzerland iyo martida kale ee dalalka kala duwan ka timid, xaaladda dalka - wuxuu marka sheegay inay isbeddelo ka dhaceen dalka oo xilligan la joogo waqtigii jaaliyadaha Soomaaliyeed ay ka qeybqaadan lahaayeen dib u dhiska socda ee dalka.

Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee wadanka Sweden ahna qoraaga buugga Godob iyo Galad Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) oo isna daah-furkaasi ka hadlay ayaa ugu horreyntii sheegay inuu la wadaagayo dadka Soomaaliyeed ee Switzerland salaan uu uga sido Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax, waxaana uu ka qeyb-galayaashii xafladdaasi uu uga warramay dadaalka ay Akadeemiyaddu ugu jirto hiilka afka Soomaaliga, isaga oo ku booriyay waalidiinta magaalada Zurich inay xil iska saaraan sidii ay ilmahooda u barri lahaayeen afkooda hooyo.

Bashiir Cali Xuseen, oo ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed ee aadka loo qadariyo  oo ah qoraaga buugga Bidhaamiye iyo Ustaad Cabdiraxiim Hilowle Galayr oo isna ka hadlay buugga Gaso, Garuun iyo Gasiin ayaa mid walba waxa uu si gaar ah uga sheekeeyay nuxurka iyo cutubyada uu ka kooban yahay buug kasta oo ka mid ah buuggaagtaasi.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiintii iyo Aqoonyahannadii ka soo qeyb-galay xafladaasi oo ka kala socday waddamada Switzerland iyo Jarmalka ayaa sheegay inay tixgalin gaar ah u hayaan qorayaasha Soomaaliyeed, waxayna goobtaasi uga mahadnaqeen qorayaasha buuggaagtooda lagu soo bandhigay Zurich, iyaga oo tilmaamay inay wax badan ka kororsan doonaan akhriska buuggaagtaasi.

Gabagabadii, Xubno ka tirsan fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa iyaguna xafladdaasi ku soo bandhiggay suugaan aad loo jecleystay oo ka tarjumaysay Wadaniyadda iyo Waxbarashada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]