4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2019
Togdheer: Askari dhagax lala dhacay u geeriyooday

 

Isniin, June, 17 2019 (HOL)- Hal askari ayaa u geeriyooday dhagax ay la dhaceen dadka shacab ahi ka dib markii dadka deegaanka Fiqi ayuub ee gobolka Togdheer ka gadoodeen shirkad baadhaysay macdanta.

Askarigan ayaa la sheegay inay dhagaxi lala dhacay waxyeelo ka soo gaadhay madaxa, taasina ay sababtay geeridan, waxaanu taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Fooxle ayaa sheegay in aanay mar dambe u dul qaadan doonin dhagaxaanta askarta lala dhaco.

“Askari Kayse Maxamed Cawaalle wuxuu ahaa ciidamada gaarka loo tobabaray, wuxuu sitay qalabkiisii, marka la shiidayo laabta wuxuu ku sitay afar qasnadood oo rasaas ah iyo qorigiisa oo buuxa, balse wax talaabo oo uu qaaday ma jirto iyadoo dhagaxaan lala dhacayo, markuu arkay inay xaaladu adag tahayna wuxuu qorigii iskaga dhiibay askarigii la socday”ayuu yidhi taliye ku xigeenku Ciidanka BOoliska Somaliland Fooxle.

“Dadweynow ciidanka habeen iyo maalin idin ilaalinaya oo hantidiina iyo naftiisa ilaalinaya ayaad maalin walba dhagax ku dilaysaan, imika waa dhawr iyo toban askari inta dhagax iyo shiid lagu dilay”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Sidoo kale, askari la socday askarigan geeriyooday ayaa isna dhaawac ka soo gaadhay shiidka dhagaxaanta dadkii ku tuurayeen askarta.

Taliyuhu wuxuu sheegay in dulqaadkii ka dhamaaday oo maanta laga bilaabo sharciga u dhexeeya ku kala bixi doonaan.

Deegaanada macdanta laga baadhayo waxa ciidanka iyo shirkadaha ka hor joogsada shacabka deegaanka, kuwaas oo ay dhacdo inay iska hor yimaadaan ciidanka iyo shacabka deegaanka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.