4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 17, 2019
Qaamuus Xagga Sharciyada ah oo Lagu Soo Bandhigay Minnesota

Isniin, June, 17, 2019 (HOL) – Qaamuus cusub oo afka Ingiriisiga iyo Soomaaliga ee  sharciyada ayaa lagu soo bandhigay Magaalada Minneapolis ee Gobolka  Minnesota. 

Qaamuuskan ayaa loogu talo galay in uu bulashada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika gaar ahaan Mareykanka ka caawiyo fahamka erayada loo adeegsado sharciyada iyo micnaha ay xambaarsan yihiin. Waxa uu qaamuusku si gaar u soo bandhigayaa faahfaahin la xiriirta nidaamka maxkamadaha, noocyada dhageysiga maxkamadaha, xuquuqda eedeysanayaaha, dhibanayaasha, iyo dadka goob joogga ah eek a qeyb qaadanaya dhageysiga maxkamadaha iyo dacwadaha laga bilaabo dambiyada fudud ee gaadiidka ilaa kuwa culus ee ciqaabtoodu tahay xarig muddo dheer ah iyo ganaax lacageed oo fara badan.

Qoraaga qaamuuskan Afka Ingiriisiga iyo Soomaaliga ee xagga sharciyada, Cabdi Guuleed Cilmi, ayaa ka tirsanaa qorayaashii wargeyskii Xiddigta Oktoobar ee Soomaaliya ee beri samaadkii isaga oo muddo dheer ku soo dhex jiray qoraalka iyo adeegsiga afka Soomaaliga.

Qoraaga oo aanu wax ka weydiinay xilligii uu bilaabay ururinta iyo isku duba ridka qaamuuskan ayaa Hiiraan Online u sheegay inuu bilaabay ururinta qaamuuska ka dib markii uu noqday qofkii ugu horeeyey ee ku gudba imtixaanka loogu talo galay tarjubaanada maxkadaha ee Mareykanka kaasoo uu ka qaatay ogolaashaha tarjumaadda maxkamadaha (certification) gobolka Minnesota.

“Aniga ayaa ah qofkii ugu horeeyey ee dareema baahida loo qabo qaamuus ku qoran af Soomaali ee erayada xagga sharciyada ah waayo ma anaan heysan meel aan dib ugu noqodo oo aan ka baaro erayada iga hor yimaada ee dacwadaha aan ka tarjumayo. Waxaa iigu dhow ee aan wehelka ka dhigtay oo aan kaashan jiray waxa uu ahaa qaamuuska xaga sharciyada ee afka carabiga ku qoran” ayuu yiri qoraagu.


Qoraaga oo aanu wax ka  weydiinay is barbardhigga erayada xagga sharciyada ee afka Ingiriisiga  iyo Soomaaliga waxa uu sheegay in erayada afka Ingiriisga qaarkood loo  heli karo eray toos ah oo u dhigma oo af Soomaali. Haadii ay dhacdo  inuusan jirin eray af Soomaali ahna uu qoraagu adeegsay odhaah ama  jumlado taxane ah oo erayga ku tarjumo.  

Qoraaga oo hadalkiisa sii wata ayaa ku daray in erayada xagga sharciga ah aanay suurogal aheyn in eray ahaan loo tarjumo laakiin eray kasta uu xambaarsan yahay fikrad oo ay waajib tahay in fikradda la soo bandhigo si loo fahmo erayga.

Qoraaga oo tibaaxaya muhimadda uu leeyahay qaamuuskan xaga sharciyada ah ee afka Ingiriisga iyo Soomaaliga ayaa tilmaamay in uu yahay qaamuus looga baahan yahay guri kasta oo Soomaaliyeed ee qoysaska ku nool Mareykanka maadaama laga yaabo in qoys kasta sharciga si uun ugu lug yeesho. Ilmo ayaa dambi ka geli kara qoyska oo loo gudbin karaa maxkamada ama dadka waaweyn ayaa laf ahaantooda lagu qaadi karaa fal dambiyed ama dacwado liddi ku ah.

Qoraaga oo aanu weydiinay eray dardaaran ah oo u jeedinayo dadweynaha Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in ay muhim tahay in dadka Soomaaliyeed ogaadaan waxa ay xaqa u leeyihiin iyo mas’ulliyadda saaran ee xaqa loogu leeyahay iyo ilaalinta sharciga.

Siyad Said Salah

[email protected]

Minneapolis, Minnesota