Isniin, June, 17, 2019 (HOL) - Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xasan
Al-Bashir aya markii ugu horeysay tan iyo markii uu iscasilay lagu arkay meel
fagaare ah.
Cumar Al-Bashir ayaa la geeyay xafiiska dambi oogayaasha isagoo xiran dharka
hiddaha iyo dhaqanka ciidamo badana ay ilaalinayaan.
Dambi Oogayaasha ayaa u akhriyay Cumar Al-Bashir dambiyada loo haysto iyadoo
dacwadaha loo haysto ay ka mid yihiin haysashada lacag badan oo aan si xalaal
ah lagu helin.
Al-Bashiir ayaa waxaa sidoo kale doon doonaya oo dacwad ay ka taalla
Maxkamda Cadaaladda Aduunka ee ICC, iyada oo loo heysto dacwado bini’aadanimada
ee uu ka geystay gobolka Darfur ee Sudan.
Dambi Oogayaasha ayaa siiyay muddo toddobaad ah inuu ugaga jawaabo dacwadaha
loo haysto waxaana dib loogu celiyay xabsiga Kobar.
Ku simaha Dambi Oogaha dalka Sudan Alwaleed Sayed Axmed ayaa sheegay in
haddii uusan racfaan ka qaadan dambiyada loo haysto toddobaadka soo socda la
horkeeni doono Maxkamad Cumar Xasan Al-Bashiir.
Dambiyada loo haysto Cumar Al-Bashir oo 75 sano jir ah, haddii lagu helo
waxaa laga yaabaa in lagu xukumo toban sano oo xarig ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]