4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2019
Sarkaal ka tirsanaa Qaramada Midoobey oo xalay Gaalkacyo lagu dilay

 

Sabti, June, 01, 2019 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in koox hubeysan fiidnimadii xalay halkaa ku dileen wakiilkii dhinaca amniga ee hay’adaha Qaramada Midoobay ee Galmudug oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Khayre, kuna magac dheeraa Fiimto.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in marxuumkan la dilay xilli uu ka soo baxay masjid uu saaladda Taraawiixda kusoo tukaday waxaana dad goobjoog ahaa ay sheegeen in labo oo dhalinyaro ah oo ku hubaysan bastoolado ay ka toogteen madaxa.

Laamaha aniga iyo masuuliyiinta maamulka Gobalka iyo Degmada Galkacyo ee Galmudug kama aysan hadlin dilka sarkaalka, sidoo kalana lama aqoonsan ciddii ka dambeysay dilka sargaalka, hayeeshee ciidamda amniga Galmudug ayaa bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay dilkaas xalay ka dhacay daanta koonfureed ee galkacyo.

Dhawaan ayeey aheyd markii sidan oo kale kooxo hubeysan ku toogteen degmada Taliyihii Howl-galadda ciidamadii xasilinta Gobalka Mudug kaasi oo isagana la toogtay xilli uu ka soo baxay masjid uu Taraawiix ku soo tukaday, hase ahaatee Laamaha amniga oo howlgallo bilaabay ayaa tiro dad ah u qab-qabtay dilkaasi kuwaas oo aan wali warbaahinta loo soo ban dhigin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]