4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2019
Wasiir Cawad oo la kulmay madaxa hay'adda WFP

 

Axad, July, 28, 2019 (HOL)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobey ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan (WFP) u qaabilsan Soomaaliya Cesar Arroyo.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashi wadaagga u dhexeeya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo WFP iyo howlaha ay ka fuliso guud ahaan dalka, oo ay ku jirto dhiirrigelinta beeraladayda Soomaaliyeed iyadoo laga iibsanayo wax soo saarkooda dalagga beeraha, shaqa-gelinta dhalinyarada, taageeridda haweenka iyo wax ka qabashada deegaannada fog ee miyiga si loo hagaajiyo xaaladda nololeed dadka halkaasi ku nool si loo yareeyo xaaladaha abaareed ee soo noq-noqday.

Wakiilka cusub ee WFP Soomaaliya waxa uu carabka ku adkeeyay ballanqaadkiisa dhammaystiran iyo wadashaqaynta hey’addiisu la leedahay Soomaaliya si looga guul keenno dhowr howl-qabad oo istiraatiiji leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]