Xisbiga WADDANI oo dhaliilo usoo jeediyey siyaasadda arrimaha Dibada iyo gudaha ee Somaliland u shaqayso
Arbaco, July, 17, 2019 (HOL)-Xisbiga mucaaradka ee WADDANI ayaa dhaliilo usoo jeediyey siyaasadda arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda ee xukuumadda madaxweyne Biixi.
Xog-hayaha guud ee xisbiga
WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in siyaasadii arrimaha dibadda
Somaliland hoos uga dhacday halkii uu gaadhsiiyey madaxweynihii hore ee Daahir
Rayaale, taas oo wakhtigiisii lagaga dooday midowga Afrika.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in
wasaaradda arrimaha gudaha laga bedelo wasiirka Arrimaha Guduhu maadaama oo uu
ku fashilmay inuu xaliyo dagaal beeleedka ka jira bariga Somaliland, taas oo
fool xumo u keenaysa sawirkii guud ee Somaliland.
“Siyaasadii Somaliland waxa loo
gacan galiyey NGO-yo si lacag loogu sameeyo oo loogu naas nuujiyo cid gaar ah,
waxaana shirkii ka dhacay Nayroobi oo NGO uu soo qabanqaabiyey uu Somaliland
lagu casuumay wasiiro, halka Soomaaliya agaasimaha madaxtooyada, taas oo wax u
dhimaysa sharaftii Somaliland.”ayuu yidhi Khadar Xuseen.
“Madaxweynuhu wuxuu tagay wadan
yar oo ku yaal galbeedka Afrikaca oo Giini la yidhaahdo, waxaase wax lala yaabo
ah sida arrinkaasi u weynaynayan ee looga dhigay in aynu wax weyn u gaadhnay,
iyadoo la ogaa sanadkii 2005-kii Madaxweyne Daahir Rayaale waxa uu la kulmay
madaxweyneyaal badan oo Afrika, taasina waxay keentay in qadiyadeena lagaga
hadlo midowga Afrika, waxaanay inoo soo direen wefti ,kuwaasi oo gobolada iyo
dadkabaa waraystay warbixin fiicanna naga gudbiyey, balse madaxweyne Muuse waxa
kaliya uu sheegay in la soo dhoweeyey oo roog cas loo dhigay laakiin nuxur
siyaasi ahi kama soo bixin kulmadaasi.”ayuu hadalkiisa raaciyey.
Xoghayaha guud Khadar Xuseen
waxa uu sheegay in siyaasada arrimaha dibadda Somaliland aan caadifad laga
dhigin ee loo baayahan Cilmi iyo Caqli.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.