4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2019
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo kulan la qaatay saraakiisha hay'addaha samafalka ka howlgalka gobolka


Arbaco, July, 17, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa maanta kulan kula la qaatay xafiiska xarunta maamulka  saraakiisha hay'addaha samafalka ka howlgala  gobolka Hiiraan.

Kulanka oo intiisa badan ahaa is barasho iyo sidii wada shaqeyn buuxda loo yeelan lahaa, ayaa si gaar ah looga wada hadlay howlaha samafalka iyo in hay'adduhu dardar-galiyaan caawinta dadka tabaaleysan, waxaana uu guddoomiyuhu si gaar ah diirada u saaray in ay xoogga saari doonaan sidii hay'addaha loogu gacan siin lahaa fulinta iyo socodsiinta howlahooda la xiriira samafalka iyo gargaarka loo fidinayo dadka u baahan.

''Wuxuu ahaa kulan is barasho iyo xoojinta wada shaqeynta  xafiiska maamulka gobolka Hiiraan iyo hay'addaha samafalka oo runtii howl-weyn oo haya bulshada gaar ahaan kuwooda taagta darran ee u baahan in la caawiyo, Annagana ka maamul ahaan waxaa naga go'an in aan joog-teyno  kulamada noocan oo kale ah'' ayuu yiri gudddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale.

Guddoomiyaha ayaa dhinac kale ka codsaday hay'addaha samafalka in ay gargaar garsiiyaan dadka ku dhaqan deegaannadii dhawaan lagu dagaalamay ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan dadka ku barakacay dagaallada.

Saraakiishii hay'addaha samafalka ee kulanka ka qeyb-galay ayaa dhankooda ku boggaadiyay guddoomiyaha cusub sida uu u daneynayo wada -shaqeyn dhaxmarta iyo in si wada jir ah looga wada shaqeeyo howlaha  samafalka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay kulamo kala duwan lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid yihiin waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka, waxaana kulamadan ay noqonayaan kuwo qeyb ka ah tallaabooyinka uu maamulka cusub ku doonayo in lagu dardar-galiyo howlaha ay bulshadu ka sugayaan. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]