Axad, July, 14, 2019 (HOL) -Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan la qaadatay mas'uuliyiin ka socday shirkadaha u adeega Xujeyda Somaaliyeed ee sanadkaan ku guuleystay inay xujeyda qaadaan.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay sidii si wanaagsan loogu adeegi lahaa
Xujeyda Somaaliyeed,waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Wasiiradaha Wasaaradaha
Awqafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad Goboleedyada.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Cismaan Aadan Dhuubow
ayaa sheegay in sanadkan 58 shirkadood ay u tartameen daabulida xujeyda
Soomaaliyeed, balse ay ku guuleysteen 11 shirkadood oo Wasaaradu la shqeyn
doonto.
Waxaa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay sanadkan ku sameysay wax ka
beddel wax-yaabihii ay ka caban jireen dadka Soomaaliyeed ee xujeyda ah,isla
markaana uu rajeynayo in lagu guuleysan doono.
Wasaaradda ayaa diyaar garowgii ugu dambeyey ugu jirta u adeegidda 11500 oo
Xaaji sanadkan,waxayna balan qaaday in ay kormeeri doonta lana xisaabtami
doonta Shirkadaha u adeega Xujeyda Soomaliyeed ayuu yiri Wasiir kuxigeenka
Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.