4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay dowladda inay gurmad u fidin doonto dadkii wax ku noqday weerarkii Kismaayo

Sabti,July, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xukuumadda faray si degdeg ah inay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.

Waxaa kalo uu faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Jubbaland iyo kuwa heer dowlad gobolleed in ay sare u qaadan feejignaantooda oo ay sugaan amniga, kana hor tagaan falalka argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku wax-yeelleeyaan amniga Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Gabagabadii, Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay bulshada Jubbaland in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaannada oo ay ku soo food leedahay doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]