4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2019
Rasaas goos goos ah oo wali laga maqlayo Hotel Cas-caseey ee magaalada Kismaayo

 

Sabti, July, 13, 2019 (HOL)-Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa wali kacsan kadib markii koox hubeysan oo ka tirsan kooxda Al shabab ay shalay galab ay weerar xooggan ay ku qaadeen Hoteel ku yaala magaalada Kismaayo

Mas'uulyiinta Isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay jiraan maydad gaaraya ilaa 12-ruux oo xalay Isbitaalka  lasoo gaarsiiyay kuwaasoo iyagu ku geeriyooday Qarixii Ismiidaaminta  ahaa ee Hoteelka lagu galay iyo sidoo kale Rasaasta wiiftada ah. Goobta  Hoteelka uu ku yaalo waxaa ku yaalo xaafado ay ku nool yihiin dad rayid  ah waxana laga cabsi qabaa inuu sii kordho khaasaaraha weerarka.

Gudaha magaalada ayaa wali waxaa laga maqlayaa dhawaqa rasaas ay is waydaarsanayaan Maleeshiyaadka ka dhex dagaalamaya gudaha Hoteelka iyo Ciidamada amaanka Jubaland ee Somalia oo isku dayaya inay soo afjaraan weerarka.

Dadka weerarka ku geeriyooday ee la xaqiijiyay waxaa  kamid Hodan Naleeye Axmed oo ahayd gabar Wariye ahayd oo dhowaan dalka  Canada dib uga soo laabatay iyo Syageedii, sidoo kale waxaa ka mid ah  wariye Maxamed Farax Sahal Gacmadheere oo isana kamid ahaa wariyeyaasha  TV-ga SBC.

Madaxweynehaha Dowladda Federaalka ee Somalia ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa waxaa uu tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday weerarka Kismaayo, waxaana u cambaareeyay falkaasi argagaxisada ah

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]