Hiiraan Online
4/17/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2019
Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)–Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya inuu halkaa ka dhacay qarax xooggan.
Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay warbaahinta in gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay lagu weerarray hotelka Cascaseey oo ay inta badan deggaan xildhibaanno iyo siyaasiyiin. Wararka ayaa inta ku daray in dhawaqa rasaas laga maqlayo gudaha hoteelka ma cadda haddii rag hubeysan ay gudaha u galeen.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa oo la sheegay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah inay ka dhalatay, sidoo kale hay’adaha ammaanka ma jirto warbixin ka soo baxday.
Weerarkan ayaa ku soo aadday xilli muddooyinkii dambe ay nabadgalyo ka jirtay magaalada Kismaayo , waxaa intaa dheer in magaalada Kismaayo ay ka socoto diyaar garowga doorashada guud ee Jubbaland .
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]