4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2019
Dowladda Liibiya oo Faransiiska ka dalbatay inuu sharraxo hub mucaaradka u gacangalay

Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Dowladda Liibiya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay hub lagu farsameeyay dalka Faransiiska uu u gacan galay mucaaradka.

Hubkan oo ah gantaalada lagula dagaallamo gaadiidka dagaalka iyo diyaaradaha ayaa ciidammada dowladda Liibiya waxaa ay gacanka ku dhigeen bishii hore, markii ay dagaal xooggan mucaaradka la galeen.

Xukuumadda Liibiya ayaa usoo jeedisay Faransiiska inay sharraxaad ka bixiso sida uu hubkaa ku soo gaaray dalka Liibiya, iyo hannaanka uu ugu gacan galay ciidammada uu hoggaamiyo Jen Khaliifa Haftar  oo doonaya inuu awoodda kala wareego dowladda la aqoonsan yahay ee dalkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Liibiya ,Maxamed Dahir Siala  oo arrimo la xiriira hubkan kala hadlay ayaa sheegay inuu ku wargeliyay dhiggiisa dalka Faransiiska sharraaxad inay ka bixiyaan hubka  yaalla Liibiya ee ay leedahay dowladda Faransiiska.

Jen Khaliifa Haftar  , ayaa taageero ka hela dalal  ay ugu horreeyaan Masar iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ku riixaya inuu la wareego awooda dalka Liibiya oo muddo qalalaase ku jira.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]