4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2019
Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Mareykanka

 

Jimco, July, 12, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle  ayaa Maanta oo Jimce ah waxa uu kulan gaar ah la qaatay safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadlen Arrimo ay ka mid ahaayeen sida dib u habeynta hanaanka Maaliyadda, iyada oo la tixraacayo heshiiskii Hay’adda IMF ee hagaajinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in kulankaas uu ahaa mid guul ku dhamaaday,isla markaana uu rajeynayo in hagaajinta dhaqaalaha dalka uu sahli karo deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsanahay taageerada uu na siiyo Mareykanka ee ku aadan dib u hagaajinta dhaqaaleheena, Xasiloonida Maaliyadeed iyo rajada miro dhalka ah ee deyn cafinta Soomaaliya ayuu yiri Wasiir Beyle.

Dowladda Soomaaliya ayaa intii ay jirtay waxaa ay ku howlaneyd hagaajinta hanaanka maaliyadeed ee dalka,waxaana madaxda ugu sareysa dalka ay sheegeen in Soomaaliya ay ku dhow dahay in deynta laga cafiyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]