4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2019
Dagaal ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada hoose

 

Jimco, July, 12, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in deegaanka Kulbiyoow oo ku yaalla xadka hala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ee Gobolkaasi ay ku dagaalameen Ciidamada Jubbaland  iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday kaddib markii xoogag ka tirsan Ururka   Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen  saldhig Ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow,waxaana  goobjoogayayaal ay sheegeen in dagaal culus uu halkaasi ka dhacay

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlad gobolleedka Jubband  ayaa warbaahinta u sheegay  in ay iska caabiyeen weerarka kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab,hayeeshee  weli aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalkaas.

Al-Shabaab  ayaa laakiin dhankooda sheegtay in weerarkaas ay ku dileen Saddex  askari oo ka tirsanaa ciidamada Jubbaland,balse waxaan weli ka hadlin  sheegashada Al-Shabaab saraakiisha ciidamada Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]