4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2019
Pakistan: 16 qof oo ku dhintay shil tareen

Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Ugu yaraan 16 qof ayaa ku geeriyooday 78 kalana waa ay ku dhaawacmeen shil tareen oo ka dhacay magaalada Rahim Yar Khan ee ku taala dalka Pakistan.

Kooxaha qaabilsan gurmadka deg dega ah ayaa lageeyay goobta uu shilku ka dhacay sida ay ku warramayaan warbaahinta maxaliga ah.Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalka dowladda ee magaalada Rahim Yar Khan waxaana sidaasi warfidiyeenada u sheegay mas’uuliyiinta Isbitaalka.

Sarkaal ka mid ah dadka dhintay ayaa sidoo kale la geeyay isbitaal ay dowladdu leedahay iyadoona in ka badan 60 ruux oo shilkaasi ku dhaawacmayna lageeyay halkaasi.

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan ,Imran Khan ayaa tacsi u diray ehelada dadka ku dhintay shilka tareen isagoona sidoo kale amaray in baaritaano lagu sameeyo waxa sababay shilka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]