4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2019
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo si rasmi ah u furiistay xafiiska looga arrimiyo maamulka gobolka


Khamiis,July, 11, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa u fariistay maanta xafiiska looga arrimiyo maamulka gobolka Hiiraan, iyadoo dhinaca kalana wali uu taagan yahay khilaafkii ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Guddoomiyaha oo ay dhinacyada ka fadhiyaan, Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah xubnaha maamulka heer Gobol, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in dib maanta loo howlgalo xafiisyadii  xarumihii maamulka gobolka oo muddo ka badan Bil aan wax shaqo ah lagu qaban,

Wuxuu ka dalbaday qeybaha kala duwan ee bulshada in ay la shaqeeyaan maamulka uu guddoomiyaha ka yahay, waxaana uu intaa ku daray in qof kasta oo mas'uul ka noqda gobolka looga baahan yahay in uu ka tago sida uu hadalka u dhigay wax qabad lagu xasuusto.

''Xilku waa meerto,  qof kasta oo mas'uul ah marka uu xilka ka deggo labo mid ayuu ku sifoobaa oo kala ah  in uu ka tago taariikh madow oo ku suntan xil gudasho la'aan, Ama in uu ka tago taariikh wax-qabad oo bulshadu ku soo xasuusato, sidaa daraadeed waxaan balan-qaadayaa in aan la iman doono is badal iyo waxqabad muuqda oo la taaban karo si aan marka danbe uga tago taariikh wanaagsan Annaga oo ku shaqeynaya rabitaanka bulshada '' ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka.

Wuxuu sheegay in ay dib u bilabaanayaan howlihii iyo adeegyadii kala duwanaa maamulka gobolka u yahay bulshada.

Ma dhicin wax xil wareejin ah waxaana wali ku sugan magaalada Beledweyne madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyo xildhiibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo u yimid xalinta khilaafka siyaasadeed.

Laakiin dhinaca kale Wasiirka Dib-u-hishiisiinta dowlad gobolleedka Hirshabeelle Eng Cabdikariin Cali Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay xildhibaannada baarlamaanka federaalka  ee ku sugan magaalada Beledweyne in aysan u iman xalinta khilaafka siyaasadeed ee taagan balse sii fogeynayaan xalka iyaga oo ka fikiraya ayuu yiri danahooda gaarka ah ee siyaasadeed.

Eedeyntan oo aan wax ka weydiinay qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa ka gaabsaday in ay ka jawaabaan.

Waxaa soconaya dadaallo kala duwan oo la doonayo in ugu danbeyntii guddoomiyihii hore ee gobolka Yuusuf Axmed Hagar Dabageed lagu qanciyo in uu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub, waxaana qeyb ka ah dadaalladan socda odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka oo tan iyo markii uu khilaafku bilaawday ku howlanaa xal u helida mashkaladan siyaasadeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]