4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2019
Puntland: Ra'iisul wasaaraha wuu naga diidday hab maamuuskii aan u diyaarinay

Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) -  Puntland ayaa ku eedeysay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre inuu ogaal la'aan ku booqday waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay maamusho Puntland.

Wasiirro ka tirsan Puntland oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ra'iisul wasaaraha uu dhinac maray soo dhaweyn iyo hab-maamuus ay u diyaariyeen, taas bedelkaada inuu tagay garoonka cayaaraha ee waqooyiga Gaalkacyo si ogaal la'aan ah.

"Ra'iisul wasaaraha waxaan u diyaarinay maamus, waxaana qorsheynay inuu la kulmo bulshada qeybaheeda oo isimadda ay ugu horreeyaan balse taas ma aysan dhicin... wuxuu noo sheegay inuusan dooneyn inuu la kulmo ee uu doonayo inuu la hadlo dhallinyaro usoo bannaan baxda" ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland,Maxamaed Cabdiraxmaan Dhaban Cad.

"Waxa maanta dhacay waa wax inoo dhinaa.. waxa aan dooneynay wax aan ahay ayayna noqotay." ayuu ku daray.

Waxaa kalo uu xaqiijiyay in munaasabad loogu diyaariyay xarunta madaxtooyada ee Gaalkacyo, halkaa oo la qorsheeyay inuu ra'iisul wasaaraha caawa ku hoydo.

Ra'iisul wasaare Khayre, ayaa dad u badan dhallinyaro kula hadlay garoonka cayaaraha ee Cawaala, isagoo marka u ballanqaaday inay dowladda gacan ka geysan doonto dib u dhiska socda ee garoonka, wuxuuna markiiba dib ugu laabtay koonfurka magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Ma jirto hadal ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha oo looga hadlay eedeynta mas'uuliyiinta Puntland, waxaana arrintan ay ku soo aadday xilli uusan wanagsaneyn xiriirka dowladda federaalka iyo Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]