4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2019
Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo magaalada Garoowe kullan kula qaatay madaxweynaha Puntland


Arbaco, July, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarunta madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin ku xigeenkiisa Fulgencio Garrido Ruiz oo hadda xafiiska baneenaya iyo masuuliyiin kale.

Kulanka ay yeesheen madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni iyo ergayga Midowga Yurub, waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Puntland sida Amniga, Siyaasada, Mashaariicda Horumarineed ee Midowga Yurub ka fuliyo Puntland iyo arrimaha bani’aadantinimada.

"Waxaan Puntland haddaan nahay u sheegnay una cadeynay inaan marwalba diyaar unahay inaan qeyb libaax-leh ka qaadano dib-udhiska Soomaaliya, ku dhisan Midnimadii Soomaaliya, ku dhisan Nidaamka Federaaliga ah ee ay qaadatay. Waxaan marwalbo rajeynaynaa in Puntland doorkeedu uu caddaado, dadkeeda ay u adeegto, Soomaaliya ay ka qeybqaadato sidii horumar waara ay u gaari lahayd oo ku dhisan Nidaam iyo Sharci, iyadoo la tixgelinayo marxaladaha Siyaasadeed ee hada la marayo, Waxaan rajeynaynaa in muddada uu joogo uu qeyb ka qaadan doono dhismaha Siyaasada, Amniga iyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya."  ayuu yiri madaxweyne Deni.

Ergayga Midowga Yurub  ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha  Puntland soo dhoweynta, Wafdiga Midowga Yurub  ka socda ayaa inta ay socdaalka ku joogaan Garoowe, waxaa ay kulamo la qaadanayaan qaar ka mid ah Wasaaraddaha  sida Maaliyadda iyo Qorsheynta oo ay kala hadli doonaan Mashaariicda socda ee Midowga Yurub ka wado Puntland iyo kuwa cusub ee la qorsheynayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]