4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2019
Puntland oo maanta shaacinaysa natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare

Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) -  Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Arbacada maanta ah la soo bandhigi doono natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare ee Puntland saacaddu marka ay tahay 11:00 am -barqanimo.

"Dhammaan waxaa lala socodsiinayaa in ay isdajiyaan ardeydu oo si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda iyadoo la isticmaalayo roll-numberkooda imtixaanka iyaga oo galinaya shirkada Golis 299 ama Webka Wasaaraadda ka dalaca doona Natiijadda Imtixaanka sida www.moepuntland.com." ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee wasaaradda.

Wasaarada Waxbarashada sidoo kale waxay shaacin doontaa ardayda iyo iskuulada galay kaalmaha ugu sareeya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]