3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2019
Nicki Minaj oo joojisay bandhig ay ku qaban lahayd dalka Sacuudiga

Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) -  Bandhig heesaha ah oo lagu waday toddobaadka soo socdka inuu ka dhaco dalka Sacuudiga ayaa la baajiyay, markii ay sida go'aansatay Nicki Minaj oo ka mid ah fannaaniinta dumarka ah ee caanka ah.

Go'aankii horey loogu shaaciyay dalka Sacuudiga inay gabadha bandhig ku qabanayso ayaa dad badan waxay ula muuqaatay arrin cajiib ah, waxaana dowladda Sacuudiga ay arrintaa kula kulantay dhaleeceyn badan.

Nicki Minaj , ayaa hadda si cad u sheegtay inaysan tagi doonin dalka Sacuudiga, waxaa ay go'aankeeda sabab uga dhigtay - marna inaysan bandhig ku qaban doonin dalkaas oo ay ku tilmaamtay in lagu dhibaateeyo haweenka aanan laga rabina dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.

"Inkastoo aan rabo inaan taageerayaasheyda Sacudiga aan u qabto bandhig faneed, hadana waxaan ogaaday inay muhiim tahay inaan si dhab ah u muujiyo taageerada aan u hayo dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, xuquuqda dumarka iyo xorriyatul qowlka"ayay tiri Nicki Minaj.

Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa Jimcihii toddobaadkii hore warqad u dirtay Minaj, iyagoo ka codsaday in aysan ka qeyb galin bandhiga lagu casuumay ee dhacaya 18-ka July, waxaana hay'adda ay ka codsatay fannaanada in ay diiddo lacagta dawladda oo ay fursada ku siideynta 10-ka haween ee u dhaq dhaqaaqa arimaha xuquuqda aadanaha oo xabsiga ku jira.

Waxaa aad isha looga haayay xaalada xuquuqda aadanaha ee wadankaasi, taas oo ka sii dartay ka dib dilkii saxafiga Jamal Khashoggi oo lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul bishii October. Bishii Maarso, boqortooyada ayaa dhaleeceyn kale la kulantay kaddib markii ay xirtay 10 haween oo u dhaq dhaqaqa xuquuqda aadanaha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]















Click here
7/10/2019 4:31 PM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeysay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre inuu ogaal la'aan ku booqday waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay maamusho Puntland.

7/10/2019 2:39 PM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Bulshada ku nool dhanka waqooyi ee degmada Gaalkacyo ayaa garoonka kubbadda cagta Cawaale si wayn ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo galabta socdaal kusoo gaaray dhanka waqooyi ee magaalada.

7/10/2019 11:48 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) Hawlgal lagu samaynayo dhul degaanka magaalada Laascaanood ayaa si wadajir ay uga wadaan Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dawlada Hoose kaas oo lagu samaynayo dhulkii noqonlahaa degaanka ay ku fidayso magaaladu Master Plan,

7/10/2019 11:01 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Safiirka boqortooyada Ingiriiska u fadhiyay dalka Marekanka, Kim Darroch ayaa ku dhawaaqay inuu xilka ka tagayo.

7/10/2019 10:31 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqanaya dalka Ruushka isagoo ka qeybgalaya shirweyne dalkaas ka dhacaya.

7/10/2019 10:15 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL)- Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo lagu qabtay Muqdisho ee caasimadda dalka.

7/10/2019 10:11 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarunta madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin ku xigeenkiisa Fulgencio Garrido Ruiz oo hadda xafiiska baneenaya iyo masuuliyiin kale.

7/10/2019 10:04 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL)- Hay'addaha ammaanka ayaa howlgallo ay fuliyeen toddobaadyadii u dambeysay waxaa ay ku soo qabteen dukumiintiyo been abuur ah iyo qalab si rasmi ah maanta loo soo bandhigay.

7/10/2019 9:49 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL)- Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanaadkii dugsiga sare.

7/10/2019 9:45 AM EST
Arbaco, July, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kooxda Col. Caarre ee saldhigoodu ahaa Qardho oo gudaha usoo gallay gobolka Sanaag, taas oo dagaalkoodu ka socdo deegaanka Dhoob oo qiyaastii 45km dhinaca bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo.

7/10/2019 9:39 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL)-Mudaharaadkan oo la sheegayo inuu ahaa kii ugu balaadhnaa ee mudooyinka la xusuusan yahay ka dhaca magaalada Ceerigaabo ayaan si cad loo ogayn khasaaraha ka dhashay, iyadoo ciidamada kala duwan ay adeegsanayeen hubka culus iyo ka fuduba.

7/10/2019 9:21 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ruushku u soo magacawday Soomaaliya.

7/10/2019 8:40 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) -Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta dhagax dhigay Hoyga Nabadadda magaalada Gaalkacyo.

7/10/2019 3:00 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Arbacada maanta ah la soo bandhigi doono natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare ee Puntland saacaddu marka ay tahay 11:00 am -barqanimo.

7/10/2019 2:25 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Is-waydiin la xiriirta ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre inuu booqanayo waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa xooggeysatay tan iyo markii uu gaaray koonfurta magaalada ee uu ka arimiyo maamulka Galmudug.

7/10/2019 2:12 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Booliska Ingiriiska ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inay baarayaan sida ay u geeriyootay gabar yar oo Soomaali ah oo sannad ka hor tagtay dalkaas,waxaana khamiistii toddobaadkii hore meydkeeda laga helay wabi ku yaalla degmada Bury ee magaalada Manchester.

7/10/2019 1:41 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo booqashadii ugu dheereyd ku jooga gobollada bartamaha ku yaalla ayaa kullamo ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

7/10/2019 1:39 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

7/10/2019 12:43 AM EST
Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee saakay oo Arbaco ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Saddex rag ah oo loo heysto inay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday Hotelka Naasa-Hablood 2 ee Magalada Muqdisho Sanadkii 2017.