4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2019
Berbera:Shaqaalaha Ajanabiga ah ee dhismayaasha ka shaqeeya oo dhaawacyo loo gaystay

 

Isniin, July, 01, 2019 (HOL)-Illaa shan qof oo Shaqaale Ajanabi ah ayaa magaaladda Berbera dhaawacyo loo gaystay ka dib markii dad diidan shaqaalaha Ajanabiga ah dhagaxaan ku weerareen goobo ay ka shaqaynayeen.

Shaqaalahan ajanabiga ayaa ka hawlgalla dekadda la dhisayo ee Berbera, madaarka la dhisayo ee Berbera iyo dhismayaasha shacabka ee magaaladda dhexdeedda, waxaanay arrintaasi keentay inay ka hadlaan shaqaalaha Rayidka ah oo ku eedeeyey inay shirkaduhu keensanayaan dad Ajanabi ah.

“Aroortii waan soo kalahaa oo dekadda imaada waa la ii diida, waan ka noqdaa oo madaarka oo la dhisayo tagaan waan ku soo hungoobaa, hadana waxaan ku soo noqday magaalada dhexdeedii oo ay dhisayaan dad Ajanabi ah, marka waa in dawladu wax ka qabataa”ayuu yidhi mid ka mid ah muruqmaalka reer Berbera.

Marar kala duwan ayey shaqaalaha muwaadiniinta ahi ku dhawaaqeen in cabashadooda hoos loo eego oo magaalada laga joojiyo dadka Ajanabiga ah ee shaqooyinkii ay qaban karayeen qabta.

shaqaalaha la weeraray oo isugu jira Hindi iyo Bangalidesh ayaa ka shaqaynaayay guri Fooq ah oo Ganacsade ka dhisanayo magaalada Berbera,waxaana qandaraas ku qaadatay shirkad dhismayaasha guryaha oo iyadu keensatay dad Ajanabi ah oo guryaha u dhisa.

Shaqaalahan Ajanabiga ahi shaqada loo dirayo oo ah kuwo hooseeya ee ay qaban karaan muwaadiniintu, haseyeshee shirkadaha wax dhisaya waxay door bidayaan inay qiimo jaban ku keensadaan shaqaale dibada laga keensado.

Shaqaalaha Ajanibka ah ee dhawaacyada kala duwani soo gaadheen oo ka kooban shan ruux ah ayaa kala ah Hindi, Bangaldesh Iyo Carab, kuwaas oo lagu dawaynayo Cisbataalka guud ee Berbera.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.