4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 9 , 2019
Madaxweynaha cusub ee Puntland oo ka hadlay Iskaashiga dowlad-gobolleedyada

 

Arbaco, Janaayo, 09, 2019 (HOL)- Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay mowqifka ugu aaddan Iskaashiga dowlad-gobolleedyada , xilli u wareysi siiyay BBC-da.

“Dastuurka ayaa dhigaya in dowlad-gobolleedyada ay iskaashadaan wixii danahooda kadhaxeeya,In la iskaashadana ma ahan wax dastuurka kasoo horjeeda". ayuu yiri Madaxweyne Deni.

“Wax walba oo Puntland gaar u ah waan ilaalinaynaa, wixii federaalka aan wadagnana waan ka shaqeynayna.” ayuu raaciyay.

Waraysiga ayuu sidoo kale arrimo dhowr ah uga hadlay.

Madaxweynaha cusub ee Puntland oo doorashadii Talaadaddii shalay ku guuleystay ayaa xaqiijiyay amniga inay muhiimad gaar ah maamulkiisa uu siin doono.

Dagaalka al-Shabaab iyo Daacish ayuu xaqiijiyay inay dardar-gelin doonan, balse ma jirin waqti uu u qabtay dagaalka inay ku soo afjari karaan.

Waxa uu ka hadlay deegaannada ka maqan Puntland ee gacanta ugu jira Soomaaliland, isagoo diidday inuu jiro muran dhinaca xadka ah ee u dhaxeey labada dhinac.

Siciid Deni ayaa sheegay in Soomaaliland ay ku soo xadgudubtay dhulka Puntland, isagoo ugu baaqay inay dib ugu laabtaan goobahooda.

Madaxweynaha Puntland oo la filayo dhawaan inuu si rasmi xilka ula wareego ayaa sheegay in dhisida nidaamka Federaalka ay Puntland qeyb ka aheyd, isla markaana naf iyo maal kaga baxay, waxaa uu xusay inay sii xoojin doonaan.

Waxaa uu inta ku daray in dalka uu ku jiro Marxalad dib u dhis ah, isla markaana Dastuurka uu qabyo yahay, lagana soo baxay nidaam dowlad dhexe, haatan la galay nidaamka Federaalka, isagoo xusay inay ka shaqeynayaan shuruucda lagu hagi lahaa, isagoo xusay in arrinata jira aanay khilaaf aheyn, balse ay tahay aragti duwanaan.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]