4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 9 , 2019
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaliya oo u dhoofay dalka Jordan

 

Arbaco,Janaayo, 09, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta u dhoofay dalka Jordan oo uu uga qayb galayo shir ay leeyihiin madaxda wadamada Carabta oo looga hadlayo Is-bedelka Cimillada adduunka iyo deegaanka.

Shirkan oo diiradda lagu saarayo hanaanka wadamada Carabtu isaga iskaashanayaan hagaajinta deegaanka iyo arrimaha la xariira is-bedelka  cimilada aduunyada ayaa waxaa sidoo kale ka qayb gelaya hey’adaha  caalamka ee ka shaqeeya deegaanka iyo is-bedelka cimilada aduunyada.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay Soomaaliya oo kamid ah dalalka dhibaatada badan ku qaba xaalufinta iyo jaridda dhirta iyo waxyaabaha kale ee laga dhaxlo ee ay kamidka yihiin fatahaadda iyo abaaraha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]