4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 9 , 2019
Taliyeyaasha ciidamada Xoogga iyo Booliiska oo kormeer ku tagay degmada Afgooye

 

Arbaco, Janaayo, 09, 2019 (HOL) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi ayaa kormeer ku tagay degmada Afgooye.

Kormeerka Taliyeyaashan iyo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ayaa la xiriira u kuur gelida xaalada amniga degmadaas oo maalmihii la soo dhaafay ay howlgalo ka socdeen.

Afgooye waa degmada ugu badan oo ay ka dhacaan weerarrada tooska ah oo ay soo qaadaan xoogagga Ururka Al-shabaab oo marar badan oo hore gacan ku heynta degmada kala wareegay ciidamada dowladda.

Ciidamada qalabka sida ayaa maalmihii ugu danbeeyay ka wada degmada howlgalo lagu sugayo amniga, islamarkaana lagu baadi-goobayo dagaalyahannada Al-shabaab, kaddib markii ay soo baxeen tuhumo la xiriira in xaafaddo degmada ka tirsan ku dhuumaaleystaan.

Socadaalka taliyayaasha ayaa dhinaca kale lagu micneynayaa in uu hordhac u yahay kormeer la laga yaabo in uu degmada ku tago madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]