4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2019
Madaxweynaha Puntland oo qaabilay wafdi ka socda dowladda federaalka oo soo gaaray Garoowe

Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)-  Wafdigii ugu horreeyay oo ka socda xukuumadda federaalka ayaa galinkii dambe gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, kaddib muddo toddobaad ah oo mas'uuliyiinta dowladda federaalka laga mamnuucay inay tagaan deegaannada Puntland.

Wafdiga waxaa hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda Axmed Siciid Cawad , waxaana ka mid ahaa xildhibaanno labada gole ah.

Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Cabadullaahi Deni ayaa hoygiisa ku qaabilay wafdiga oo u la qaatay kulan gaaban oo intiisa badan la xiriiray hambalyo.

Guddiga amniga doorashada Puntland ayaa horay u diidday in mas'uuliyiinta dowladda federaalka ay goobjoog u noqdaan doorashada, taaso oo dhalisay saddexdii maalin ee u dambeysay inay dib u dhacaan wafdiga dowladda federaalka oo u badnaa xubnaha ka soo jeeda Puntland.

Dowladda federaalka oo u ugu horreeyo madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Khayre ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Cabadullaahi Deni.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]