3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2019
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay madaxa siyaasadda Qaramada Midoobey

 

Arbaco, Janaayo, 30, 2019 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa la kulmay madaxda siyaasadda xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Rosemary DiCarlo oo Muqdisho soo gaartay iyada iyo wafdi ay horkaceyso.

Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta xariirka Qaramada Midoobay iyo dawladda federaalka Soomaaliya, in si dhaw labada dhinac ay uga wada shaqeeyaan danaha ummadda Soomaaliyeed, in dawladda laga taageero dhismaha dawlanimada iyo nabadda iyo in la dhiirri geliyo Bah-wadaagnimada waqtiga fog ee Soomaaliya u suura gelinaysa mustaqbal barwaaqaysan.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay ayaa ku heshiiyay in qaramamada midoobay ay dawladda kala shaqayso ka guul gaaridda hadafyada waawayn ee dowladda oo ay kamid yihiin kobcinta dhaqaalaha, cafinta daynta, ka shaqaynta siyaasadda loo dhanyahay, dagaalka dhanka ah musuq-maasuqa, dardar-gelinta amniga iyo sidii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho iyo caafimaad.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ammaanay taageerada xooggan iyo dawrka muuqda ee qaramada midoobay ka qaadatay dib u soo kabadashada, xasilinta iyo kobaca dalka Soomaaliya.

 

Madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay iyo Ra’iisul wasaare Khayre ayaa isku raacay in dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay qaataan dawrka hoggaamineed iyo jaan goynta qaybaha muuhiimka ah ee dawladda laga caawinayo iyo in Qaramda Midoobay ay ku taageerto in lagu fuliyo xilliyada lagu tala galay in lagu dhaqan-geliyo.

Rosemary DiCarlo ayaa ammaantay ajandaha dib-u-qaabaynta dawladda, waxa ayna ballan qaaday in qaramada midoobay ay teegeero xooggan ku bixinayso dhaqan gelinta halbeegyada Tubaha siyaasadda loo dhanyahay, amniga iyo cadaaladda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Rosemary A. DiCarlo, madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay (DPPA), waxa ay xoghayaha guud ee qaramada midoobay, António Guterres, kala talisaa arrimaha nabadda iyo amniga caalamka.

Wafdiga ayaa ka hor inta aysan is arag ra’iisal wasaaraha kulan la soo qaatay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
  













Click here
1/30/2019 12:12 PM EST
Arbaco, Janaayo, 30, 2019 (HOL)- Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ilaa 35 ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ku dileen duqeyn ay ka fuliyeen deegaan 75 km u jira magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

1/30/2019 9:04 AM EST
Arbaco, Janaayo, 30, 2019 (HOL)- Wasiiradda hawlaha guud iyo Dhulka ayaa warar been ah ku tilmaamtay inuu wasiirkoodii xanuun u jiifo cisbitaaladda gaarka loo leeyahay.

1/30/2019 6:34 AM EST
Arbaco, Janaayo, 30, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahad Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta Mucaaradka, isagoo u adeegsaday halheyskii madaxweyne Farmaajo ee ahaa Siyaasiyiinta xanaaqsan.

1/30/2019 4:23 AM EST
Arbaco, Janaayo, 30, 2019 (HOL)-Iyadoo Dood adag ay ka dhalatay hadalkii uu jeediyay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya xildhibaanno is bar bar taag u muujiyay dowladda Uganda iyo madaxweynahooda.

1/30/2019 1:07 AM EST
Arbaco, Janaayo, 30, 2019 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo safar ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulan uu la qaatay madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaa ay ka wada hadleen sidii labada dalka Soomaaliya iyo Kenya isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

1/30/2019 12:51 AM EST
Arbaco, Janaayo, 30, 2019 (HOL) - Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan muhaajiriinta ayaa sheegeysaa in la la’yahay dad kor u dhaafaya 130 qof oo muhaajiriin ah kaddib markii labo doonyood oo ay saarnaayeen ay kula degeen xeebaha dalka Jabuuti.

1/30/2019 12:43 AM EST
Arbaco, Janaayo, 30, 2019 (HOL) - Shir deg deg ah oo ay yeesheen hay’addaha Amniga dowlad deegaanka Soomaalida ayaa lagu mamnuucay dhaqdhaqaaqa magaalada Jigjiga wixii ka danbeeya 10:00 Habeenimo