4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2019
Xildhibaan Fowsiyo " Ma'aha in canaanta Uganda colaad loo badallo

 

Arbaco, Janaayo, 30, 2019 (HOL)-Iyadoo Dood adag ay ka dhalatay hadalkii uu jeediyay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya xildhibaanno is bar bar taag u muujiyay dowladda Uganda iyo madaxweynahooda.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaliya islamarkaana hadda ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ku amaantay dowladda Uganda doorka ay ka qadatay difaaca dalka iyo sidii dowladda Soomaaliya looga gacan siin lahaa adkeynta nabad-galyada.

 

''Waxaa nasiib darro ah in mar kale lagu degdego tallaabo laga qaado hay'addaha ama dowladdaha u helleen Taakuladda iyo ilaalinta Nabad-galadeena, Uganda waxey inoo daadisay dhiig badan ilaa iyo hadda wey na bar bartaagan tahay, ma'aha in canaanteeda Colaad loo badallo ayeey tiri Xildhibaan Fowsiyo.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Caawad oo jawaab ka bixiyay hadalkii madaxweynaha dalka Uganda ee ahaa in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad wax maamusha ayuu sheegay in lagu tilmaami karo Museveni shaqsi iska hadlay sida uu hadalka u dhigay Wasiirka.

Horay sidan oo kale waxaa uga fal celiyay hadalka madaxweynaha Uganda xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo qaarkood sheegay in eryada uu isticmaalay madaxweynuhu yihiin kuwo loo qaateen ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]