4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2019
Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

 

Arbaco, Janaayo, 30, 2019 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo safar ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulan uu la qaatay madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaa ay ka wada hadleen sidii labada dalka Soomaaliya iyo Kenya isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ra’iisul wasaaraha oo madaxwayne Kenyatta u muujiyay sida ay muhiim u tahay in loo midoobo xasilinta iyo nabadaynta gobalka ayaa dawladda Kenya u ballan qaaday in Soomaaliya ay ku garab taagantahay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxwayne Kenyatta ayaa bogaadiyay hormaradada ka jira Soomaaliya dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo xariirka wanaagsan ee ay la leedahay bah-wadaagta caalamka, waxa uuna ballan qaaday in Kenya ay sii wadi doono taageeradeeda dadaallada caalamka ee dalka Soomaaliya lagu xasilinayo, dibna loogu dhisayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]