4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2019
Bandow lagu oo rogay magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya

 

Arbaco, Janaayo, 30, 2019 (HOL) - Shir deg deg ah oo ay yeesheen hay’addaha Amniga dowlad deegaanka Soomaalida ayaa lagu mamnuucay dhaqdhaqaaqa magaalada Jigjiga wixii ka danbeeya 10:00 Habeenimo

Saraakiisha Amniga ayaa sheegay in wixii xiligaa ka danbeeya aan la ogoleyn in ay socdaan dadka iyo waliba gaadiidka si loo adkeeyo Ammaanka Nabadgaliyadda Magaalada Jigjiga.

Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo ah ku xigeenka madaxa Nabadgaliyadda iyo Caddaaladda degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in sidoo kale la mamnuucay qabashada shirarka aysan ogeyn dowladda ay isugu yimadaan dadka.

Bandowgan ayaa yimid kaddib markii ugu yaraan 2 ruux ayaa ku dhimatay rabshado ka dhacay Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Rabshaddaha ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen Qowmiyaddaha Soomaalida iyo waliba Amxaaradda ee dalka Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]